Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Ayaa Caawa Fiidkii Socdaal Ku Gaadhay Magaalada Boorama

HARGEYSA – (WARSOOR) – Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalada Boorama Abokor Xasan Caafi waxa madaxweyne ku-xigeenka iyo weftigiisa degaanka Gorayocawl ku soo dhaweeyay maamulka gobolka Awdal, ka degmada Boorama, waxgarad qaar ka mida bulshada ku nool gobolkaas.

Gudoomiyaha gobolka Awdal Axmed Maxamed Caalin Timbaro, maayarka degmada Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa ay warbixino ka siin doonaan xaaladda gobolka Awdal iyo ta degmada Boorama, iyadoo arrimaha xogaha ka siin doonaana ay ka mid tahay roobab ka da’ay degaano hoos yimaada gobolkaas oo dhibaatooyin gaystay.


Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylicil) ayaa sheegay mudada uu safarka ku joogo gobolka Awdal uu u kuur gali doona xaaladda guud ee gobolkaas, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, waxyeelada roobabka iyo mashaariicaha horumarinta ah ee gobolkaas ka socda.


Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylicil) waxa safarkaas mu wehelinaayay wasiirada wasaaradaha caafimaafka Cumar Cali Cabdilaahi, horumarinta beeraha Axmed Muumin Seed, ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo gaashaandhiga Saleebaan Warsame Guuleed.