Madaxweyne Ku Xigeenka Js Oo Soo Kormeeray Dhismaha Cusub Ee Xarunta Gargaar Deg Dega Ah

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna guddoomiyaha guddida ka hor tagga xanuunka Covid-19 ayaa soo kormeeray dhismaha cusub ee xarunta gar-gaarka deg – deg ah oo ay maal’gelisay xukuumadda Somaliland.

Xaruntan ayaa noqon doonta goob u diyaarsan xaaladha deg deg ah ee xanuunnada sida Covid-19 oo kale ee u baahan goob gaar oo lagula tacaalo, looguna adeego bulshada xilliyaga adage ee ay dilaacaan xanuunnada faafa ama kuwa safmarka ah ee dalka soo mara.

Waxaana loo aqoonsaday xarun qaran oo lagula dagaalami doono hadda wixii ka dameeya  xanuunnada u baahan in laga dhex saaro bukaannada kale, iyadoo xaruntan laga dhisay cisbitaalka weyn ee magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.