Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Munaasibada Sagootinta Arday Deeq Waxbarasho Ka Helay Dalka Taiwan

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qeyb-galay munaasibad loo qabtay sagootinta Arday reer Somaliland ah oo deeq Waxbarasho ka helay dalka Taiwan, munaasibadan oo ay goob-joog ka ahaa Safiirka dalka Taiwan u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, gudoomiyaha guddida tacliinta sare, wasiiro, maayarka caasimada, xildhibaano, agaasimeyaal guud iyo masuuliyiin kale.

Waxaanu madaxweyne ku xigeenku uga mahadceliyey Taiwan deeqda waxbarasho ee ay siiyeen Ardayda Somaliland, sidoo kalena waxa uu xusay in safaaradda Somaliland ee Taiwan ay muddadii ay waddanka joogtay samaysay waxqabad ballaadhan.