Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Oo Ka Qaygalay Xuska 20-Guurada Ka Soo Wareegtay Geeridii Madaxweyne Marxuum Cigaal

Hargeysa – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qaybgalay xus ballaadhan oo loo sameeyey 20-guurada kasoo wareegtay geerida Allah ha u naxariistee madaxweynihii labaad ee Somaliland, Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Madaxweyne-ku-xigeenka, ayaa ku dheeraaday taariikhdii waafiga ahayd ee marxuumku lahaa, dedaalkii uu soo geliyey qarannimada, haldoornimadiisii, fikirkiisii toolmoonaa iyo sidii uu ugu dhiirraday inuu qaran Aasaaso xilli adkaa oo bulshadu kala qoqobnayd.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu marxuumka ku tilmaamay Damal bud-dhige u ahaa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, soona hilaadiyey geeddiga guulaystay ee ay Somaliland kusoo caano maashay.

Ugu damabyntii, madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, isaga oo dhammaanba mujtamicii tirada badnaa ee xuska ku sugnaana ka codsaday inay u duceeyaan.