Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo Booqday goboladda bariga

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa socdaal shaqo ku marayay qaar kamida goboladda bariga Somaliland ayaa shalay gaadhay magaaladda Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh.

Ujeedada waftiga Madaxweyne ku-xigeenka ayaa daaranayd kormeeridda mashaariicda dawladda hoose ee Oodweyne ay ka maal-galisay qoondada barnaamijka horumarinta Dawladaha hoose ee JPLG-ga.