Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland kulan madaxda Hay’adda OCHA

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida Gurmadka Abaaraha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan ay ku wehelinayaan xubnaha guddidu la qaatay madax ka socotay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Bani’aadamnimada ee OCHA.

Kulankan oo hordhac u ah kulan ballaadhan oo ay Toddobaadka soo socda guddida gurmadka abaaruhu la yeelan doonaan dhammaanba madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka hawlgala, ayaa la iskaga xogwaraystay sidii qorshe nidaamsan loogu samayn lahaa hawlaha gurmadka ah ee loo fidinayo dadka ku tabaaloobay araaha ka jira Somaliland.