Madaxweyne ku-xigeenka Ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL Oo Booqday Xaaji Cabdi-waraabe Oo Xaalad Xaafimaad U Jiifa.

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweyne ku-xigeenka Ahna Ku-simaha Madaxweynaha JSL Oo Cusbitaalka International Ku Bookhday Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) Oo Xaalad Xaafimaad U Jiifa.

Waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku Xaajiga ALLE uga baryay inuu caafimaad taamaha siiyo kana dulqaado xanuunka, isagoo sheegay madaxweyne ku xigeenku In Xukuumadda Somaliland u diri Doonto xaajiga Dalka Imaaradka carabta si loogu soo daweeyo waxaana halkaasi uga mahadnaqay xukuumadda iyo shacbiga Somalilandba Qoyska xaaji Cabdi-waraabe oo Madaxweynaha, madaxwayne ku-xigeenka iyo guud ahaan Xukuumada Somaliland ku bogaadiyay dadaalka ay ugu jiraan ogaanshaha iyo ka war haynta xaalada xaajiga.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.