Madaxweyne ku xigeen Puntland oo qaabilay Wafdi ka socda dowlad goboleed Koonfur Galbeed

Garoowe – (WARSOOR) – Madaxeyna ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ahna Ku simaha Madaxweynaha Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta qaabilay Wafdi Wasiiro ah oo ka socda maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ku waasi oo Puntland u yimid xaaladda dadkii laga soo barakaciyay magaalada Laascaanood.

Wafdiga Wasiirada ah ee ka socda Koonfur Galbeed, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka la wadaagay dhambaal Mahadcelin ah oo ay Puntland uga wadeen dadka reer Koonfur Galbeed Dowlad Goboleed iyo Shacaba, kuwaasi oo si weyn uga mahadceliyay sida Puntland usoo dhoweysay dadkii laga soo barakaciyay Laascaanood.