“Madaxweyne Ku Soo Noqo Dariiqii Cadaalada… “ Qalinkii Maxamed Faarax Coomaade

Xilka qaadista Iyo Magacaabida Masuuliyiintu  Waa Awood Madaxwaynaha JSl leeyahay waxaana siiyey Dastuurka Oo Waa xaq dastuuri ah iyadoo  madaxwaynuhu xilka ka qaadi karo masuulka ula muuqda mid aan gudan karin waajibaadkiisa sidoo kalena magacaabi kara cida uu garto xilkaas.

Maanta 16 October 2018 waxaa uu magacaabay masuuliyiin ka hawl gali doona hayaddo kala duwan halka uu qaar kalena xilkii ka xayuubiyey,qormadan kooban waxaan uga socdaa in aan dul istaago dhaliilo iiga muuqday wareegtadan madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Soo saaray.

Wareegtooyin badan oo ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha tan iyo markii xilka loo dhaariyey Waxaa si cad uga dhex muuqday cadaalad daro iyo in ay dhinac ka rarayihiin waxaana loo sadburiyey qaar ka mid ah beelaha gaar ahaan beesha madaxwaynuhu ka soo jeedo,hadaba waxaa muhiim ah in madaxwaynaha iyo lataliyayaashiisu ogaadaan in shacbigu isha mar walba ku hayaan qaabka wax loo maamulayo gaar ahaan dhanka waxqabsiga oo ah mid xaasaasi ah.

Arinta iga yaabisay waxaa weeye habka madaxwayne Muuse Biixi u qaybiyey Xubnaha guddiga maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa xubnaha guddiga oo ka koobnaa shan xubnood waxaa uu bedelay oo shaqadii laga fadhiisiiyey sadex ka mid ah waxaana Xubintii beesha dhulbahante ugu jirtay lagu bedelay Xubin ka soo jeeda beesha madaxwaynaha miyaanay arintaasi ahayn ceeb?haa waayo waxaa jiray cabashooyin badan oo  la xidhiidhay habka madaxwayne Biixi wax u qaybiyey.

Dad badan oo ka mid ah bulshada  reer Somaliland ayaa aad ugu rajo waynaa  in madaxwayne Muuse Biixi ka jawaabi doono cabashooyinka la xidhiidha saluuga saami qaybsiga beelaha balse waxaad moodaa in tahay ka dar oo dibi dhal.)

W/Q : Maxamed Faarax Coomaade

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.