Madaxweyne Geelle Oo Ka Cabsi Qaba In Kacdoon Shacbi Xukunka Lagaga Tuuro Iyo Dalal Uu Ku Eedeeyey Inay Dabada Ka Riixayaan


Jabuuti – (warsoor) – Madaxweynaha dalka Jabuuti, Md Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka casbi in qaba kacdoon shacab kursiga uu muddada dheer ku fadhiyey lagaga tuuro, waxaanu sheegay in isaga illaahay ka bad-baadiyey waxa ku dhacay Madaxweynayaashi dalal ka mid ah Qaaradan Afrika muddo dheer ka talinayey keligood. Waxa uu xusay in la doonayo in la mariyo dhabihii ay mareen saaxiibadiisa Al-bashiir, Qadaafi, Xusni, Mubaarik iyo kuwa kale, waxaanu ugu baaqay shacbiga reer Jabuuti in haddii ay arrintaas ka feejignaan waayaan uu dalku halis gelayo.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in kooxo aan dalka joogin iyo dalal shisheeye ay ku hawlan yihiin dhaq-dhaqaayo la mid ah kuwii galaaftay saaxiibkiisa Sudan Al-bashiir oo ay ka wadaan Jabuuti, isla markaana  la rabo in dalka Jabuuti uu ka istaadhmo dagaal sokeeye iyo qalaasi siyaasadeed

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalkiisu u dhignaa “ Nebigeenii wuxuu yidhi “CSW” fidna wey hurudaa nacladii illaahay ayaa ku degta ninkii kiciya , fidnad ayaa wadankeena lasoo gelinayaa kolba si ayaa lagu dayayaa waxa loo jeedaana waa in wadanka qas la geliyo, waxa loo jeedaa in aan galno meel dad kale galeen oo annagana illaahay naga bad-baadiyey xoogbay ku dayayaan dilbay doonayaa mashaakil noqonaya dagaal sokeeye ayey doonayaan , haddii dadkeenu uu ka feejignaan waayana halis ayuu wadanka oo dhani geli doonaa .”

Isagoo hadalkiisa sii wata Madaxweyne Geelle waxa uu  intaasi ku daray “Annagu waxaanu leenahay Dowladu dadka oo dhan ayey Dowlad u tahay ay ilaalin u tahay, ay wax siin u tahay, ay is barbar joog u tahay , cid ay cid kale uga dhaafi kartaayi ma jirto , haddii qabiil la dayona qabiil qudhaata ayaanu nahay calan midaata ayaan wadaagnaa diin mid ah ayaanu wadaagnaa , walaal-nimadu waa in la abuuro oo la dhaqo weeye.”

Geesta kale Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in aanu dalka iyo dadka wax u tarayn nin siyaasi ah oo doonaya inuu kursiga ku gaadho dhiig “Nin Siyaasi ah oo dhiiga dadka inta uu dul socdo leh waxaan ku gaadhayaa madax-nimada wuxuu ummada u tarayaa majiro dalkana wax-ba uma tarayo qasmooyaane .”

Dhanka kalena Madaxweyne Geelle ayaa si dadban u sheegay in dad reer Jabuuti ah oo aan dalka joogin iyo wadamo kale ay wadaan qorshahan, kuwaas oo uu sheegay inuu diiday amaradoodii ay farayeen, isla markaana ay duulaan ku soo qaadeen “Waxa aan annigu afkaygaasi aan ka dhawrayo dadka fidnada soo abaabulayaa halkan lanama joogaan , meel kale ayey joogaan , kuwaasina kuwa kale ayaa ka dambeeya , waxa ay doonayaan waxa weeyaan in aan horumarkeena joojino, dadka aan xidhiidh wanaagsan oo walaal-nimo ah aan la leenahay iyo wax-qabad inay na garab mariyaan ayey doonayaan, halkaa maxaad u maraysaan ayaa nala leeyahay, maxaad Dowlada ula shiraysaan ayaa nala leehay, maxaad taa usoo dhaweynaysaan ayaan nala leeyahay, xor ayaanu nahay ayaan leenahay.”

Madaxweynaha Jabuuti ayaa ka sakow duufaannada ah kacdoono shacab oo saameeyay dalalka dariska la ah ee Itoobiya iyo Suudaan  waxa dul hoganaya danaha is diidan ee reer Galbeedka, Shiinaha iyo xulufada Carabta ee Imaaraadku ka mid yahay kuwo ugu firfircoon. Reer Galbeedka oo Maraykanku ugu horeeyo ayaa si weyn uga soo horjeeda galaangalka Geelle la samaystay Shiinaha, Imaaraadka iyo xulufadiisa ayaa ka soo horjeeda Geelle kadib eryiddii Dp World waxaana jira dad mucaarad ku ah oo reer Jabuuti waana arrimaha u muuqda in ay tushuush ku fureen madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wakhti dheer ka talinayay Jabuuti.

Xigasho: Waaberi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.