Madaxweyne Farmaajo oo u amba baxay Suudaanta Koonfureed

Muqdisho – (warsoor) – Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saaka ka amba baxay magaalada Muqdisho,isago ku sii jeeda Dalka Suudaanta Koonfureed.

Ujeedka Socdaalka Madaxweyne Farmaajo uu ugu amba baxay magaalada Juubbaa e caasimadda Koonfurta Suudaan ayaa la xiriirta ka qeyb galka munasabad loogu dabaal-dagayo dhameystirka heshiiska dhinacyada isku hayay siyaasadda dalkaasi oo in muddo ah ay dagaallo ka socdeen.

Sidoo kale waxaa munaasabadaasi ka qeybgalaya hogaamiyaal ka socda Midowga Afrika,Urur Goboleedka IGAD,kuwaasi oo si dhow ula socday xaaladaha murugeysan ee ka taagnaa Dalkaasi Suudaanta Koonfureed.

Dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa kamid ah wadamada uu xiriirka diblomaasiyadeed uu kala dhexeeyo Soomaaliya,waxaana dalkaasi kunool kumanaan Soomaali ah,kuwaasi oo ganacsi waaweyn ku leh dalkaasi.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.