Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkamadda Sare

Muqdisho – (warsoor)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay Garsooreyaal ka tirsan Maxkmadda Sare ee dalka, keddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah:

Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdirixmaan.
Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali).
Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise.
Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka.

Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku saleeysan dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.