Madaxweyne Farmaajo oo Magacaabay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka ka qaaday xeer-ilaaliyihii guud ee qaranka Axmed Cali Daahir, isaga oo magacaabay mid cusub oo ah Suleymaan Maxamed Maxamuud.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in magacaabista “ay ku timid soo jeedintii guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka.”

Qoraalka ayaa sidoo kale waxa uu madaxweynaha uga mahadceliyay Xeer Ilaaliyihii hore ee Axmed Cali Daahir “shaqadii uu u soo qabtay dalka iyo dadaalkii uu muujiyey muddadii uu ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.”

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa faray xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka, sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia.

Axmed Cali Daahir ayaa xubin ka ahaa mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ee hoggaaminayey qareenada Soomaaliya u doodaya ee kiiska badda ee horyaalla maxkamadda ICJ.

Xigasho: VOASOMALI

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.