Madaxweyne Farmaajo oo Kullan la qaatay Culimaa’udiinka degmada Cabudwaaq

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulan degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud kula qaatay Culimaa’udiinka degmadaasi,isagoo kala hadlay sidii dowr muhiim ah uga qaadan lahaayeen arrimaha dib u heshiisiinta bulshada iyo Wacgelinta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu socday kullanka wuxuu ku cel celiyay iney muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabada,islamarkaana Hormuud u noqdaan Culimaa’udiinka Soomaaliyeed gaar ahaan Culimada degmada Cabudwaaq si loo dar dar geliyo dib u heshiisiinta iyo nabadeynta dalka.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iney culimada kaalin muuqata kaga jiraan Bulshada Soomaaliyeed loona baahan yahay iney la yimaadaan aragti Bulshada looga weecin karo xumaha si ay cagta u saaraan dhabaha horumarka iyo wax wada qabsiga.

Wafdiga madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa shalay degmada Cabudwaaq kaga qeyb galay furitaanka faraca Jaamacadda Umadda ee magaalada Caabduwaaq,isagoona bulshada ku dhaqan deegaannada Galmudug ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyeen xoojinta midnimada iyo nabadda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa iney u ambabaxaan degmada Hobyo ee Gobolka Mudug halkaasi oo madaxweynaha lagu wado inuu ka dhagax dhigo Dekadda Hobyo oo dib u habeyn lagu sameynayo.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.