Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay Boqorka dalka Urdun

Urdun – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maalinimadii shalay kulan gaar ah kula qaatay Aqwalka Boqortooyada Boqor C/laha labaad

Kulankaasssi waxaa labada madax ay kaga hadleen arimaha Soomaaliya,gaar ahaan  sidii gacan looga geysan lahaa soo celinta iyo  xaqiijinta amniga iyo kala dambeynta dadka Soomaaliyeed.

Kulankaasi waxaa la isla qaatay in heer goboleed iyo mid caalami ahba dadaal loo galo sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada

Bqorka dalka Urdun  C/laha labaad ,oo ka hadlay kualnkaasi waxa uu ka mahadceliyay qaabkii ay u dhacday doorashadii uu ku soo bacay Madaxwen Farmaajo,wuxuuna ballanqaaday in ay dowladdiisu tageero wax ku ool ah u fidin doonto dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi  Farmaajo oo isna ka hadlay kulankaasi gaarka ah ayaa ka mahadceliya dadaalka Boqortoyada Urdun ay mar-walba la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed.

Kulankaasi waxaa goobjoogayaal ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye iyo Safirada Soomaaliya ee Sacuudiga iyo Masar,halka dhianaca kale ay soo xaadiree  diiwaanhayaha  boqortooyada urudun, La taliyaha arimaha amiga ahna taliyaha nabadsugidda iyo Abaanduulaha ciidamada iee xafiiska boqorka iyo la taliyaha boqorka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.