Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray xeryo ciidan oo ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga ee halkaas ku sugan, iyada oo sidoo kale uu kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha xerada.

“Halkaan waxaan maanta idin kugu imid in aan idin soo kormeero oo aan arko Ciidamada iyo Saraakiisha loo diyaarinaayo in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba difaacaan. Maanta sida qof walba ogyahay dalku waxa uu ku jiraa xaalad adag oo dagaal, xaaladda dagaalna waxaa loo baahan yahay in guud ahaan loo wada istaago difaaca qarannimada Soomaaliyeed.” ayuu yiri Madaxweynaha oo khudbad u jeedinayey ciidamada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xarunta ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Ciidanka Soomaaliyeed dhabar adeyga iyo kartida ay ku tilmaamanyihiin, isagoona sheegay in maanta shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan ciidankooda sidii ay uga dulqaadi lahayeen dhibaatada ay ku hayaan argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa toddobaad kahor waxa uu kormeeray Talisyada Ciidamada Milateriga, Nabad sugidda iyo Dugsiga tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.