Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha ayaa dul istaagay xaaladda bukaannada ku jira Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan askarta ku soo dhaawacmay howl-gallada ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, isagoona warbixintooda ka dhageystay dhakhaatiirta ka howlgala Isbitaalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay sida ay uga go’antahay wax u qabashada ciidanka ku dhaawacmay howlgallada dalka lagaga xoreeynayo argagixisada Alshabaab, iyadoona uu faray Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga in ay sii kordhiyaan heeganka ay ku jiraan.

“In aan dhammaanteen u istaagno daryeelka iyo ka war-qabka ciidanka u dhaawacmay difaaca dalkeenna waa waajib uu ina farayo damiirkeenna iyo diinteenaba. Soomaaliya maanta xaaladda ay ku jiro waxaa ka samata bixin kara ciidankeeda oo taageero dhinac walba ah ka hela shacabkoooda.”

Madaxa Hoggaanka Caafimaadka Ciidanka Xoogga Dalka Gaashaanle Mahad Cabdullaahi Nuur ayaa Madaxweynaha la wadaagay dadaallada ay ugu jiraan dib u habeynta Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo muhiimadda ay leedahay in dhakhaatiirta Soomaaliyeed ay kaalintooda ka qaataan garab istaagga Ciidanka.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.