Madaxweyne Farmaajo oo Garsoorayaasha ugu baaqay inay La yimaadaan shaqo Hufnaan

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi farmaajo, ayaa Garooyashaa Maxkamadaha Dalka u soo jeediyay in ay shaqadooda wanaajiyaan si uu hoggaanka Dalka u noqdo mid toosan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay  Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka oo Shalay ka furmay Magaalada Muqdisho,ayaa muhiimadda kulankani ku tilmaamay mid lagu qiimeynayay wixii qabsoomay iyo in dib loo milicsado wixii qabsoomin Sanadihii la soo dhaafay, taas oo aqoon koronsi u ah howl-wadeennada Garsoorka Dalka.

Shaqada Garsooraha ayuu ku tilmaamay tan ugu wanaagsan, maaddaama uu yahay Qof u xil-saaran in uu kala saaro xumaha iyo wanaagga, kaas oo haya masโ€™uuliyad sharafeed, isla markaana ah shaqsi u soo kallaha inuu raadsado ajir, wixii uu qaldana lagula xisaabtamayo Adduun iyo Aakhiro.

โ€œNinka Garsooraha ah waa mid u dhexeeya Ummadda oo dhan, hadduu wax wanaagsan ka shaqeeyo, Caalamka oo dhan ayay wada taabanaysaa,halkan bay caddaalad usoo doonanayaan, hadduu wax xun ka shaqeeyana sidoo kale, halkiis oo uu halleeyo ayaa sharafkii Soomaaliya halleynayaโ€ ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuu sheegay Madaxweynahu in Caalamka uu qiimeyn ku sameynaya sida ay Maxkamadaheenna u qabtaan dacwadaha iyo sida uu Garsoorku u shaqeeyo, isagoo sheegay in howsha Garsoorka oo wanaagsanaata ay sare u qaadi karto sumcaddeenna.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Sanadkan gudahiisa la dhisi doono Guddiga Adeegga Garsoorka, lana marsiin doono Baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna ku ammanay howl-wadeennadu sida ay ugu Dhabar adeegeen shaqada culus ee ay Qaranka u hayaan.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.