Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Dammaam ee Boqortooyada Sucuudiga

Dammaam – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dammaam oo maalinta barri ah uu ka furmi doono Shir Madaxeedka waddamada Carabta.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa xarunta Ciidanka Cirka ee Boqor Cabdicasiis ku soo dhaweeyey Xog-hayaha Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu al-Qeyd, Amiirka Mandaqadda Bari ee Boqortooyada Amiir Sacuud Binu Amiir Naayif, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sucuudiga Mudane Daahir Maxamuud Geelle, Taliyaha Xarunta Ciidanka Cirka Boqor Cabdicasiis Sarreeya Guud Ciid Binu Baraak, Amiirro iyo dibulaasiyiin kale oo ka tirsan Boqortooyada Sucuudiga.

Shirka 29-aad ee Madaxda Jaamacadda Carabta ayaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona Madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya, iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee kala dhaxeeya dalalkaas Soomaaliya.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.