Madaxweyne Farmaajo oo Faray Xukuumadda in ay Dabagal ku Samayso Qorshayaashii ay Isku Soo Afgarteen Dowladda Masar

Muqdisho – (warsoor)ย – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuummadda in ay dabagal ku samayso sidii looga mira dhalin lahaa qorshayaashii ay isku soo afgarteen dowladda Masar.

War qoraal ah oo ka soo baxay aqalka madaxtooyada VillaSoomaaliya oo nuqul kamid ah ay heshey wakaaladda SONNA, ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Dowladda Federaala Soomaaliya Mudane Maxโ€™ed C/llaahi Farmaajo uu faray Xukuumadda Soomaaliya in ay dabagal kusameyso ka miro dhalinta heshiisyadii ay galeen labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Masar.

Mudaxweyne Farmaajo ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay fulinta heshiisyadii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha wadanka Masar C/fataax Al-sisi mudadii uu kusugnaa dalkaasi, kuwaasi oo isugu jirey iskaashiga dhinacyada Amaaanka, dhaqaalaha, dib u dhiska ciidamada, tayeyntooda, ladagaalanka argagixisada iyo sidii Masar ay maalgashi dhinacyo kaladuwan leh ugu sameysan lahayd Soomaaliya.

Madaxweynaha oo shir Jaraaโ€™id ku qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ayaa sheegay in booqashada uu ku tagay dalka Masar ay ahayd mid mira dhal ah taasoo ka turjumeysa xiriirka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan u direysa dalka Masar saraakiil gaaraya 15 oo ka tirsan Ciidanka Booliska kuwaas oo bilow u ah qorshaha dowladda Masar ay kaga qeyb qaadaneyso tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.