Madaxweyne Farmaajo oo dadka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Ciida Carafo

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada ciidda barakaysan ee Al-Adxaa.

Madaxweyne Famaajo waxa uu Alle uga rajeeyey shacabka Soomaaliyeed meel kasta ay ku sugan yihiin, caafimaad, horomar iyo barwaaqo, isagoo sheegay in arrimahaas lagu gaari karo xasilooni Amni oo si dhammaystiran uga hirgasha guud ahaan dalka.

“Maalmaha Ciidul Adxaaga waa maalmo kuwayn diinteena Islaamka, waa maalmo astaan u ah isjacaylka iyo walaaltinimada bulshadeenna. waa maalmo muujiya dareenka dhabta ah ee aynu isu qabno.”ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynha waxa uu sii wayn  ugu muujiyey dhambaalka hambalyada ciidda ee uu u diray shacabka Soomaaliyeed ahmiyadda ay nabadda iyo amnigu u leeyihiin umadda, maadaama haatan si wayn looga soo kabtay dhibkii bur burka.

Madaxweynaha ayaa yiri:  “haddii aan anagu masuuliyiintii nahay waxaanu u istaagnay in aan ka shaqayno amniga, qof kasta oo Soomaali ahna waxaan ka doonaynaa in uu nagala shaqeeyo, maxaa yeelay cadawga aan leenahy hadda waa kooxaha nabad diidka ah oo u diiday Soomaaliya horomar”

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo waxa uu tilmaamay dadaalka dowladdu ay ugu jirto xasilinta dalka, isagoona rajo ka muujiyey in Soomaaliya oo Nabad dhamaystiran ay ka jirto lagu ciido sanadka soo socda.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.