Madaxweyne Farmaajo oo Ciidamada Amniga faray inay furaan waddooyinka

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka jawaabaya Cabashada shacabka ayaa faray Hey’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada oo maalmihii la soo dhaafay Ciidamada Amniga ay xireen Wadooyinka sababo la xiriira adkeynta Amniga Caasimadda si looga hortaga falalka Argagixisada.

Mudane Maxamed C/llaah Farmaajo ayaa ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga oo had iyo jeer u taagan in ay shacabka ka difaacaan kooxaha Argagixisada.

“Waxaan farayaa hay’adaha amniga inay shacabka u sahlaan isu socodka magaalada, jidadka xiranna loo furo. Nabadgelyadu waxay ku timaadaa wadashaqeyn dhexmarta labada dhinac. Shacabku waa inay la shaqeeyaan wiilasha iyo gabdhaha u taagan inay ka difaacaan kooxaha argagixisada.”.ayuu yiri Madaxweynaha oo Qoraal kooban lagu soo qoray barta Twitter-ka Madaxweynaha.

Ciidamada Amniga oo ka feejigan weerarada kooxaha Argagixisada ayaa aad u adkeeyay Amniga Caasimadda taasoo meesha ka saartay qaraxyadii kooxda Alshabaab ay ka geysan jireen magaalada Muqdisho.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.