Madaxweyne Farmaajo iyo Guterres oo wadajir bulshada caalamka ugu baaqay ka qeyb-galka gurmadka abaaraha Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta la kulmay Xog-yaha guud ee Qaramada Midoobey iyo wefdi uu hoggaaminayo oo yimid magaalada Muqdisho.

Antonio Guterres Xog-hayaga guud ee Qaramada Midoobey markii uu yimid Muqdisho, waxaa soo dhoweeyey wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya kaddibna  uu kulan gaar ah la qaatey madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Faraamajo  iyo Mudane  Guterres ayaa ugu horreyn ka hadlay xaaladaha adag ee abaaraha ka jira Soomaaliya oo aad u sii darsadey, madaxweynaha ayaa  u sheegay in abaartu aysan xilligaan u baahneyn hadal keliyah oo ay tahay in si dhab ah wax looga qabto.

Kulanka  waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar, Ergeyga gaarka ah ee Q.M Soomaaliya u qaabilsan Michel Cheating  Safiirka Soomaaliya ee Q.M u fadhiya Yuusuf  Garaad Cumar iyo Saraakiil ka socotay hey’adaha gargaarka bini’aadannimo ee Q.M.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Xog-hayaha guud ee Q.M ayaa shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho kulankooda kaddib.

Madaxweyne Farmaajo, waxa uu sheegay in isaga iyo Guterres ay ka wada hadleen in gurmadka abaaraha la dadajiyo, isla markaana la badbaadiyo nolosha Malaayiin dad Soomaaliyeed oo helis ugu jirta abaarta, isla markaana dowladdiisa lagu gacan siiyo wax ka qabashada arrintaan xannuunka badan, dowladda Soomaaliyana ay waddo dedaallo xooggan la xiriirra sidii aanan marnaba looga hakan lahayn gurmadka Abaaraha iyo in  la fuliyo Istaraatiiiyadda ay ka leeyihiin ka hortagga musiibooyinka sida abaaraha oo kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu kala hadlay  Xog-yaha Q.M ay arrimaha amniga, qorshaha dowladda uga degan, dhismaha ciidanka iyo la dagaallanka argagixisada oo uu sheegay in laga qaadi doono tallaabbo ay ku mideysan yihiin dowladda iyo saaxiibada Soomaaliya.

Dhinaca kale Antonio Guterres, ayaa sheegay in uu dareemay markii ugu horreysay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wax ka qabashada xaaladda adag ee abaaraha, isla markaana iyadoo taasi laga faa’ideysanayo uu ugu baaqayo  bulshada caalamka in ay si deg-deg ah ugu soo gurmadaan dadka masaakiinta ah ee noloshooda helista ku jirto, u jeedada booqashadiisana ay tahay sidii uu Soomaaliya ugu soo jeedin lahaa indhaha bulshada caalamka.

Xog-hayaha guue ee Qaramada Midoobey waa booqashadii ugu horeysay ee uu dalka dibeddiisa ku soo aado, isagoo Soomaaliya ku sheegay in ay muhiim u tahay, maadaama uu in muddo ah ka soo shaqeynayey arrimaha bini’aadannimada, dowladdana uu  kala kulmay wiji cusub oo ku aaddan iskaashi  iyo ka howl-gelidda abaaraha iyo ka hortaggooda.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.