Madaxweyne Farmaajo” Fulinta Sharciga waa waajib nawada saaran dowlad iyo shacabi”

Muqdisho (WARSOOR) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo qorshe wax looga qabanayo Cadaaladda Dalka.

Bilihii lasoo dhaafay ayuu xusay in uu waday daraasad ku saabsan Xaaladda Cadaaladda Soomaaliya, islamarkaana hadda ay ambaqaadi doonaan sidii loo sixi lahaa.

“Waxaa ii dhamaatay Daraasad dheer oo aan ka waday xaqiiq raadin dhab ah iyo cabashooyin badan oo nooga yimid maxkamaddaha iyo cadaaladda dalka, Waxaan joognaa waqtigii aan sixi laheyn, insha allh si deg deg ah ayaan u sixi doonaa” ayuu yiri madaxweynaha dalka.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliyeed ay helaan Caddaalad, islamarkaana garsoorka dalka uu noqdo mid shaqeeya oo lagu kalsoonaan karo.

“Fulinta Sharciga waa waajib nawada saaran dhamaan dowlad iyo shacabi” sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu tilmaamay in marnaba aysan suurtagal noqon karin in amni iyo horumar la sameeyo, iyadoo uusan shaqeynaynin garsoorka dalka.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.