Madaxweyne Deni “Waxaan halkan ka amrayaa in ciidan xabad ridi kara uusan jirin Boosaaso”

Puntland – (WARSOOR) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo ay ku barakaceen dad badan oo shacab ah.

Madaxweynaha waxaa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay dagaalka iyo sidoo kalena kuwii ku barakacay , waxaana uu sheegay in dagaal dambe oo in uusan ka dhicin magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa xusay in Odayaasha dhaqanka maamulka Puntland uu ku taageeri doono in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo in dib loo soo celiyo dadkii magaalada ka barakacay.

“Waxaan halkan ka amrayaa in ciidan xabad ridi kara aysan jirin, waana in ay ku sugnaadaan goobohooda joogaan, waxaan ugu baaqayaa Dadki barakacay in ay soo laabtaan” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Dowladdu Dadkeeda dagaal kuma wado, wayna u tacsiyeeneysaa dadki ku dhintay dagaalkaas, habeen iyo Maalin ayaan usoo jeeday arintaasi sidi lagu xalin lahaa”