Madaxweyne Deni oo bogaadiyay howlgallada ay Ciidanka Puntland ka sameeyeen qeybo ka mid ah Gobolka Bari

BOOSAASO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo saxaafadda kula hadlay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa sheegay in uu soo dhoweynayo guulaha uu Ciidanku ka gaaray howl-galladii amni ee ay halkaasi ka wadeen Saacadihii lasoo dhaafay.

“Weerarkii ka dhacay xabsiga weyn masuuliyaddiisa waa layskula xisaabtamayaa, ciidanka ka jawaabay ee guusha kasoo hooyayna waa lagu abaal marinayaa”,ayuu yiri Deni.

Siciid Deni ayaa sheegay in ay Puntland ku jirto heegan buuxa ficilkii dhacayna ay ugu fal celiyeen sidii ugu wanaagsanayd, wuxuuna intaa raaciyay in ay socdaan baaritaanno ku saabsan weerarkii ka dhacay xabsiga weyn ee Magaalada Boosaaso.