“Madaxweyne Cadhaysan Iyo Xukuumad Cadhaysan Ayaan Meesha ku Arkayey, Iyaga moodaysay Mucaarad, waxay ahayd in ay ka hadlaan wixii ay qabteen” Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

BERBERA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka qayb-galay munaasabad ballaadhan oo xadhiga lagaga jarayey Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Berbere,isagoo war-baahinta si gaar ah ula hadlay markii ay soo dhammaatay xafladaasi,waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay wixii horumar ah ee u soo kordhay guud ahaan-ba Qaranka Somaliland ,isla markaana uu Xisbiga WADDANI soo dhaweynayo wax kasta oo horumar ah oo u soo kordha Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweyne Biixi oo cadhaysan, isla markana aan la garanayn waxa uu qoonsaday uu eedaymo u jeediyey Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro “Waxaan u arkayey Madaxweynaha in cadho baddani ay ka muuqato oo aanan garanayn waxa ku keenay,waxa uu sheegay eedaymo badan isagoo ka hadlaya Musharrraxa Madaxweyne ee Xisbiga,lakiin’se waxay ahayd in annaga fursad na siiyo,mucaaradku waxa uu meesha u yimi ee loogu yeedhay ilayn maanu ahayn ubaxe,waxay ahayd in horumarka wixii la qabtay in aanu hambalyeyno wixii qaldana aanu tilmaano,markaa iyagii ayaa mucaarad ahaa oo Xukuumadii ayaa mucaarad ahayd iyadii ayaa wax maagaysay,waxa looga baahnaa Xukuumaddu inay waxay qabatay ay ka haddasho,annaga ayey tahay in aanu wixii dhimman tilmaano,lakiin Xukuumadda cadhaysan ayaan maanta u arkayey.” ayuu yidhi Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan