Madaxweyne Axmed Silaanyo Oo Dalka Ku Soo Laabtay Saaka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka ku joogay Imaaraadka Carabta ayaa saaka dib ugu soo laabtay dalka iyadoo si balaadhan loogu soo dhaweeyey caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Subaxnimadii hore ee saaka waxa garoonka diyaaraha ee Egal Internationla Airport ka soo degay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay wehelinayeen Marwada Koowaad ee qaranka, Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, wasiirka Madaxtooyada mudane Maxamuud Xaashi Cabdi,wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan, xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.

Waxaana madaxweynaha garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyey masuuliyiin uu horkacayey madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),wasiiro, madaxda dhaqanka, xildhibaano, haween iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Sidoo kale markii madaxweynuhu ka soo baxay madaarka waxa barxada hore ee garoonka ku soo dhaweeyey dadweyne aad u tiro badan oo ay hormuud u ahaayeen maayarka caasimada, mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco)  iyo masuuliyiin kale, dadkaasi oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey caleemo qoyan, ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka, heesaha madaxweynaha qaranka loo qaaday intii uu talada dalka hayey, iyadoo ay dadkaasi qaar badan oo ka mid ahi ay eryo iyo weedho kala duwan ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynuhu markii uu soo gaadhay qasriga madaxtooyada waxa uu salaam sharaf ka qaatay ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ka dibna waxa halkaasi ku soo dhaweeyey dadweyne ku sii sugnaa xarunta qasriga.

Soo dhawaynta ka dibna waxa saxaafadda la hadlay afhayeenka madaxtooyada oo ka warbixyey ujeedada safarka madaxweynaha una mahadnaqay dadweynihii sida qiimaha leh u soo dhaweeyey madaxweynaha qaranka.

 

Naasir Yuusuf Daahir 

General Director Media of the Presidential

Hargeisa – Republic of Somaliland

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.