Madaxweynayaash Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo si Wada Jir ah Baaq Nabadeed Ugu Diray Shacabka Gobolka Mudug

Cadaado – (warsoor) – Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta shir Jaraa’id oo ay  ku qabteen magaalada Cadaado  waxa ay si wadda jira ugu baqeen shacabka labada dhinac ee magaalada Gaalkacayo inay ka wadda shaqeeyaan Nabadda, Horumarka iyo deris wanaaga.

Kahor shirka Jaraa’id ayaa waxay ay lug ku mushaaxeen wadada halbowlaha ah ee magaalada Cadaado halkaasi oo ay si kalsooni leh gacanta ugu haadiyeen shacabka magaaladaasi, waxaana laga dheehanayey wejiyada shacabka kuwo ay soo jidatay ficilka wanaagsan ee ay ku dhaqaaqeen madaxdoodu.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walaalo ah, isla dhashay, derisa, dhuldaaqsimeed wadda leh, horumar iyo wadda shaqayn buuxdaleh, waxaana uu ugu baaqay inay kawada shaqeeyaan sidii ay u ilaashan lahaayeen xasiloonida iyo Nabadda ay maanta ku naaloonayaan.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa ku baaqay in si degdega loo furo ama loo baneeyo waddooyinka kala xiran ee magaalada Gaalkacayo si ay u fududaadaan isu socodka dadka walaalaha ah ee wada degan, waxaana uu sheegay in taasi ay shacabka u horseedayso Isfaham, wadda shaqayn iyo inay dareemaan nasteexada iyo naruurada ay leedahay is garabsiga dadka walaalaha ah.

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhuldaaqsimeedka ka dhexeeya shacabka labada dhinac  ee had iyo jeer  ka yimaado khilaafku ay tahay laga maarmaan in  xal laga gaaro, si loo xakameeyo isku dhacyada ka yimaada degaanada daaqsimeedka ah, waxaana  uu sidoo kale sheegay  inay tahay muhiim in gobolka Mudug loo sameeyo ciidan isku dhaf ah oo ka shaqeeya sugidda amniga gobolkaasi.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan ayaa isna dhankiisa  baaq nabadeed u diray shacabka gobolka Mudug, waxaana uu sheegay in isir ahaan dadka gobolka Mudug ay u dhasheen dad dun wanaagsan oo jecel Nabadda iyo  Soomaalinimada, isla markaana had iyo jeer ay ku jirto lexejeclo, damqasho Soomaalinimo iyo nabad Jacayl, waxaana uu ugu baaqay inay kawada shaqeeyaan horumarka iyo nabadda si ay ula baratamaan gobolada kale ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa xusay in shacabka gobolka Mudug ay yihiin dad walaalo ah oo xigaala, waxaana uu ugu baaqay inay beri ka noqdaan soo noqnoqoshada colaadda gobolkooda, taasi oo uu xusay inay ku tahay degaanadooda caqabad iyo musiibo aan xal lahayn, maadaama ay ku nafwaayayaan muwaadin Soomaliyeed oo muslina.

Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sidoo kale xoojiyey baaqa Madaxweynaha Puntland ee ahaa isufurka magaalada Gaalkacyo, kaasi oo uu sheegay in uu yahay caqabadda koowaad ee keentay isfahmi waaga shacabka magaaladaasi, waxaana uu sheegay inay dhankooda ka shaqayn doonaan horumarka magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland iyo weftigii la socday ee Cadaado kaga qayb galay caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug ayaa ugu danbayn maanta gelinkii danbe dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Kanooko ee magaalada Garoowe kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.