Madaxweynaha Yukrayn oo daneynaya kulan uu la yeesho Madaxweyne Putin

YUKRAYN – (WARSOOR) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo madaxweynaha dalka Raashiya Vladimir Putin si Xal loogu helo xiisadda iyo walaaca sii kordhaya ee laga qabo duulaan lagu qaado dalkaasi.

Madaxweynaha Ukraine ayaa daneynaya in uu ogaado waxa uu doonayo Mr.Putin iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay raadina xal nabadeed.

Gelinka dambe ee maanta madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha dalka Raashiya Mr.Putin.

Rabshadaha bariga Ukraine ayaa sare u kacay maalmihii la soo dhaafay,waxaana duqeymaha socda ay keeni kara dagaal culus.