Madaxweynaha: “ Waxan Baydhabo u joogaa inaan dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016 iyo xaqiijinta qoondada haweenka’’

Baydhabo, (Villa Somalia)—- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu horkacayo ayaa booqasho shaqo ku tegay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha oo qeybaha bulshada kula hadlayey magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay dardar-gelinta hawlaha doorashada.

“Ujeeddada booqashadeyda ee magaalada Baydhabo waxay tahay inaan maamulka iyo shacabka Koonfuur Galbeed ku dhiirigeliyo in la dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016, lagana shaqeeyo in si habsami leh ay hawshaasi taariikhiga ah inoogu qabsoonto. Baaqaasina waa mid aan shacabka Soomaaliyeed oo dhan u jeedinayo. Ujeeddada labaad waxay tahay inaan mar kale ku baaqo, idinna faro in qoondada haweenka ee kuraasta labada aqal la dhaqan geliyo, maadaama go’aankaasi uu yahay siyaasad qaran oo Soomaaliya oo dhan khuseysa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u dhaqaaqday, uuna filayo in dhalinyarada iyo haweenka u hanqal taagaya inay u tartamaan kuraasta labada aqal ay door weyn ka qaadan doonaan safarka dowlad dhisida ee Soomaaliyada cusub.

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay iska ilaaliyaan khilaafaadka, kala shakiga iyo cabsida dhexdooda ah, ayna u midoobaan in dalka ay ka dhacaan doorashooyinkan dadban ee lagu heshiiyey si aloo abuuro kalsooni sal adag leh oo shacabka ka dhexeeya.

“Doorashada sannadkan 2016 waa tallaabo taariikhi ah oo waddanka loogu diyaarinayo doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca sannadka 2020-ka. Waxaa hadafkeenu uu yahay inaan dhisno Soomaaliya cusub oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo wada oggol’’.

——————————-DHAMMAAD—————————-

Xigasho:

Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.