“Madaxweynaha Umaan Doonan Xilka ee isagaa Ii Gartay”Wasiirka horumarinta reer Miyiga

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda horumarinta reer Miyiga Somaliland, mudane Maxamed Aadan Jaamac, ayaa sheegay in aanu xilka wasiirnimo doonan balse madaxweynuhu u gartay.

Sidoo kale waxaa uu xusay in dadka reer miyigu bulshada reer Somaliland ka yihiin 60% isla markaana ay ugu adeegayo si hufan.

Wasiirku waxa uu sidan ku sheegay wareysi uu siiyay Muuq baahiyaha Bulsho.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlay waxa uu yidhi.“Madaxweynuhu isaga ayaa ii igmaday in aan noqdo wasiirka wasaaradda horumarinta reer miyiga, dhab ahaantiina anigu maan doonan ee madaxweynuhu isaga ayaa ii gartay, kadib markii uu ogaaday in aqoonteeda khibradeeda waya’aragnimadeedaba leeyahay, dhab ahaantiina waa ay jirta dad u orda oo ugucleeya inay xil helaan, balse anigu waxaan diyaar u ahaa inaan dalkayga iyo dadkaygaba u shaqeeyo.

Maadama bulshada reer miyiga ama reer guuraagu ay yihiin kuwa ugu badan bulshada reer Somaliland, isla markaana lagu qiyaasi karro boqolkiiba dhawr iyo lixdan, marka haddii ILLAAHEY yidhaaho waxa aanu diyaar u nahay in aanu baahiyahooda ka shaqeyno”

Dhawaan ayay ahayd markii madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, uu laba u kala qaaday wasaaraddii degaanka iyo horumarinta reer Miyiga.