Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in ay socdaan dadaallo lagu badbaadinayo Ciidamada ku go’doonsan Mariupol

YUKRAYN – (WARSOOR) – Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo diblumaasiyadeed oo lagu badbaadinayo dagaalyahannada ku go’doonsan warshadda birta ee magaalada Mariupol, halkaasi  oo horay looga soo saaray dad rayid ah kadib markii Ciidamada Ruusha ay duqeeymo xooggan ka geeysteen.

Ciidamada Ukraine ee ka dagaalama magaalada Mariupol ayaa wacad ku maray inaysan isu dhiibi doonin Ciidamada Ruushka, tasoo keentay cabsi ku saabsan in ciidamada Ruushka ay gabi ahaanba baabi’iyaan Ciidamada halkaas ku sugan.

Sarakiisha Ciidanka Ukraine ayaa sheegay in 50 qof oo rayid ah shalay la daadgureeyay magaalada, iyagoo Ruushka ku eedeeyay inuu ku xadgudbay xabbad joojintii looga gol lahaa in lagu samata bixiyo daraasiin dad ah oo ku go’doonsan dhulka hoostiisa.