Madaxweynaha Turkiga oo booqanaya Yugandha iyo Kenya

Istanbul – (warsoor) – Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajib Dayip Ordogan, ayaa maanta oo Salaado ah lagu wadaa inuu safar taariikhi ah ku tago magaalada Kampala ee Dalka Yugaandha.

Erdogan ayaa halkaasi kulan kula qaadan doono dhiggiisa Dalka Yugaandha Yuweri Musseveni, waxaana la sheegayaa inuu Bisha Lixaad Saddexdeeda kaga sii gudbi doono magaalada Nairobi ee Caasumadda Dalka Kenya, wuxuuna sidoo kale wada hadal la yeelan doonaa Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta.

madaxweynaha_Turkiga

Madaxweynaha Dalka Turkiga ayaa madaxdaasi ka tirsan Bariga Afrika wuxuu kala hadli doonaa sidii loo xoojin lahaa xiriirka Waddamaddooda iyo sidii laysaga kashan lahaa kobcinta arrimaha dhaqaalaha,taas oo ayan ka marnayn sidii ay Ankara ku heli lahayd maalgashiga Qaaradda Afrika oo ay Dowlado badan kula loollamayso.

Safarka Ordegan ayaa waxaa ku wehliya Saraakiil sare sare oo ka tirsan dowladdiisa, masuuliyiin iyo Ganacsato,iyadoo ujeeddadda ugu weyna lagu sheegay iney daraasayn ku sameeyaan arrimaha Ganacsiga iyo sidii loo adkayn lahaa xiriirka gobolka iyo kan Caalamiga ah.

Madaxweyne Ordogan ayaa dabayaaqadii Febarayo ee sanadkan wuxuu booqasho tanoo kale ah ku tegey qaar ka mida waddamada Galbeedka Afrika Sida Nigeria, Ghana, Ivery Coast iyo Guinea.

Mr. Erdogan ayaa sidoo kale wuxuu booqasho xiriir ah ku yimmi 2015-kii, waddamo ka mida Bariga Afrika sida Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.