Madaxweynaha Soomaaliya oo La Kulmay Xoghayaha Arimaha siyaasadda iyo nabadeynta Qaramadda Midoobay

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ,Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hoggaaminayso u qaabbilsanaha Arrimaha Siyaasadda iyo Nabadeynta ee Xafiiska Xoghaya Qaramada Midoobey Marwo Rosemary A. DiCarlo.

Madaxweyne farmaajo ayaa   uga mahadceliyey taageerada Qaramada Midoobay  ay u fidiyaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa waaxda siyaasadda iyo dhismaha nabadda qaramada midoobay DiCarlo ayaa sheegatay in hoggaamineed ay ka qaadanayaan iyo jaan goynta qaybaha muuhiimka ah ee dawladda laga caawinayo iyo in Qaramda Midoobay ay ku taageerto in lagu fuliyo xilliyada lagu tala galay in lagu dhaqan-geliyo.

Rosemary DiCarlo, ayaa ammaantay ajandaha dib-u-qaabaynta dawladda, waxa ayna ballan qaaday in qaramada midoobay ay teegeero xooggan ku bixinayso dhaqan gelinta halbeegyada Tubaha siyaasadda loo dhanyahay, amniga iyo cadaaladda, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.