Madaxweynaha Soomaaliya Oo Kuln La Yeeshay  Suxufiyiinta Soomaaliyeed

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud ayaa xalaya xafiiskiisa kulan kula qaatay qaar ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyee ka tirsan NUSOJ, kulan oo madaxweynuhu ku hambalyeynaayey doorashadii hogaanka ururka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horayn ku amaanay saxafiyiinta ku midoobay daladda NUSOJ iyo doorashadii taariikhiga ahayd ay qabsadeen ayaa yidhi, “Waxaan rabaa inaan idin ku hambalyeeyo doorashadii quruxda baneyd ee aad isku doorateen ee Muqdisho ka dhacday 17 May 2016, waxa ay ka mid tahay biseeylka Soomaaliya ay gaadheyso oo ay meel walba kaga soo kabaneyso, cashar ayaa dhigateen waana idin ku amaanayaa”.

madaxweynaha_somalia_saxxafada

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Xasan Sheekh ayaa cadeeyey mawqifka ay xukumadda federaalka Soomaaliya ka taagan tahay dhibaatooyinka saxafiyiinta loo gaysto waxaanu yidhi, “Marnaba raali kama nihi, waana xanuunjineysaa in wariyayaasha la handado, la cabsi geliyo, la waxyeeleeyo ama la dilo, Dowladda waad ogtihiin in intii awoodeeda ah ay ka ilaaliso cadowga dilaya, dilayaasha wariyayaashuna qaarkood ay soo qabtay sharcigana marsiisay kuwa kalana waa la soo qaban doonaa haddii Allaah yiraah”.

Ururka daladda saaxaafadda Soomaaliya ee NUSOJ ayaa bishan May qabsaday shirweynahoodii waxaanay ku doortay hogaan cusub oo ururka hogaamin doona labada sano ee soo socda. Doorashadan ayaa muran badan dhalisay waxaana guddi ka kooban saxafiiyintii rug cadaaga ah ku guulaysteen inay xalliyaan khilaafyadii soo kala dhex galay saxafiyiintii kala duwanaa ee ku hirdamaayey hogaanka ururka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.