Madaxweynaha Soomaaliya oo Kulan La Yeeshay Danjiraha Germalka u Qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dawladda Jamarka u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, waxanay ka wadda hadleen dib loogu soo celin lahaa xidhiidhkii Soomaaliya iyo Jarmalka ka dhaxayn jiray.

Madaxweynaha Soomaaliyah Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo waxaa kulankan ku wehelinayeen Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Md. Cabdisalaam Hadliye Cumar  iyo Agaasimaha Madaxtooyadda Cali Fiqi. Dhanka kale, Danjiraha Jarmal Ambassador Jutta Frasch waxaa kulanka ku wehelinaayey xubno ka tirsan safaaradda Jarmalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo ayaa kala hadlay Danjiraha Jarmalka baahida ay Soomaaliya u qabto in xiligan dib loo soo celiyo xidhiidhkii iyo iskaashigii ka dhaxayn jiray labadda dawladdood. Waxaanu madaxweynuhu uga xaal-waramay guud ahaa xaaladda Soomaalilya ay xiligan ku sugan tahay, waxaanu si gaar ah farta ugu fiiqay abaarta baahsan ee dalka ka jirta, waxaanu dawladda Jarmalka ka dalbaday inay ka qayb-qaadato taakulaynta abaaraha.

Ambassador Jutta Frasch ayaa madaxweynaha Soomaaliya u sheegtay in dawladda Jarmalku ay danaynayso sidii dib ay ugu soo celin lahayd xidhiidhkii Soomaaliya iyo Jarmalka u dhexayn jiray, waxaanay balan-qaaday in dawladda Jarmalku ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyadda waxbarashadda iyo dhisidda ciidamadda xooga dalka Soomaalliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.