Madaxweynaha Soomaaliya oo ka mahadceliyay Taageerada Imaaraadka

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud  ayaa sheegay in Dwaladda Imaaraadka Carabta ay kaalin mug leh ka qaadato dib u dhiska Soomaaliya.

Bayaan laga soo saaray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in dalka isutagga Imaaraadka Carabta uu yahay dal saaxib dhaw la ah Soomaaliya mar kastana u taagan gacansiinta shacabka Soomaaliya horayna uga qeyb qaadatay taageeradooda ee arrimaha bni’adnimada la xiriirta.

madaxweyne_xasam_sheekh

Madaxweyne Xasan wuxuu cdeeyay in Dawladda iyo Shacabka Soomaaliya ay  aad u qadarinayaan kaalmada aan shuruudda ku xirneyn oo ay Xukuumdda Imaaraadka u fidiso Soomaalia siiba dhinacyada Arrimaha Bulshada ,wuxuuna xusay in labada dal ay wadaagaan arrimo badan uunaka dhaxeeyo iskaashi dhinacyo badan leh siiba Ganacsiga iyo xiriir Taariikhi ah ah ee soo jireen ah.

Madaxwynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmuud  oo ah musharax u taagan mar labad hanashada xilka Madaxweyninimo ayaa ballanqaaday hadii uu mar kale madaxtinimada dalka Soomaaliya  ku soo laabto uu sii xoojin doono CilaaqaadkaSoomaaliya iyo Imaaradka ee dhinacyad badan leh uuna gaarsiin doono  meesha ugu sareysa.

SONNA Mukhtaar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.