Madaxweynaha Soomaaliya oo Boqorka Sacuudiga uga tacsiyeeyey geeridii Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud

Muqdisho – (warsoor) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u direy Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz Al Saud, isagoo uga tacsiyadeeyey geeridii ku timid Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud.

Madaxweynaha ayaa tacsidan u direy Boqorka Sacuudiga, qoyskii, eheladii iyo shacabka Sacuudiga oo uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud. Madaxweye Xasan Sheikh Maxamud ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun Allaha u naxariisto Amir Turki bin Abdulaziz Al Saud oo ka mid ahaa qoyska Boqortooyada Sucuudiga. Waxaan Boqorka Sacuudiga, qoyska boqortooyada iyo shacabka Sacuudiga u dirayaa tacsi wallaaltinimo, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu Amiir Turki bin Abdulaziz Al Saud uu samir iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, Jannadii Firdowsana Allaha ka waraabiyo. AAMIIN.”

madaxweynaha-4-640x427

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuum Amiir Turki Abdulaziz Al Saud uu ahaa shaqsi door wanaagsan ka soo qaatay horumarka dalka Sacuudiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.