Madaxweynaha Soomaaliya oo Booqday Itoobiya

Itoobiya – (warsoor) – Madaxweynaha Dawladda federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa jimcahan booqasho ku tagay dalka Itoobiya, halkaasi oo la filaayo inuu ka qayb gali doono shir ka dhici doona magaaladda Bahr Dar.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo iyo weftiga uu hogaaminaayey ayaa ka dagay magaaladda Gondar ee dalka Itoobiya waxaana si weyn halkaasi ugu soo dhaweeyey Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Md. Axmed Abey.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Itoobiya waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya, Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, La taliyayaal Sarsare iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan madaxtooyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Md. Farmaajo ayaa la filayaa in maalinta bari ah uu shir saddex geesood ah la yeelan doono hogaamiyaasha Itoobiya iyo Eratariya. Shirkaasi ayaa lagu waddaa in lagu dhamaystiro heshiis ku saabsan isku xidhka dhaqaalaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya oo Bishii September kaga wadda hadlay arinkan magaalo madaxda Eratariya ee Asmra.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.