Madaxweynaha Soomaaliya oo Baydhabo ka furay shirka Golaha Amniga Qaranka

Baydhabo – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor-dhow ka furay Magaalada Baydhabo Shirka Golaha Amniga Qaranka.

Shirkan oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/l/aahi Farmaajo ayaa waxaa qayb-galaya Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Md Xasan Cali Khayre, Taliyaasha Ciidamada, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, dhammaan Madaxda Maamul Goboleedyadda Dalka iyo Guddoomiyha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho.

Shirkan oo saddexdii biloodba mar la qabto ayaa looga hadlayaa Amniga guud ee Dalka, hannaanka federaalaynta, wadaaga khayraad Dalka iyo tayeynta iyo isku dhafka Ciidamada.

Shirkii u dambeeyay Golaha Amniga Qaranka ee ka dhacay magaalada Muqdisho bishii Febraayo ee sanadkan ayaa waxaa lagu goโ€™aamiyay in shirka xiga lagu qabto magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.