Madaxweynaha Somaliland oo Xilkii Ka Qaaday Wasiir iyo Taliye Ciidan

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa digreeto madaxweyney xalay xilkii ka qaaday Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal iyo Taliyihii ciidamada Badda Somaliland Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).

Siilaanyo_Somaliland_President2

Digreetadan madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhaayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-3973/042016 uu xilalkii ay qaranka u hayeen kaga qaaday, Wasiirkii Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo Taliyihii Ciidanka Badda Somaliland.

Digreetada Madaxweynuhuna waxay u dhignayd Sidan:-

  1. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku:      Mudane, Maxamed Jaamac Abgaal

            Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Og:      Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Mudane, Cismaan Garaad Soofe, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

  1. Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Ku:      Sarreeyo Guuto, Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane),

           Taliyihii Hore ee Ciidanka Badda JSL

Og:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Mudane,

Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Haddaba, markaan arkay in aad fulin wayday awaamiirtii aan ku siiyey; waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa darteed, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, oo si ku meel gaadh ah u sii hayn doona inta aan cid u soo magacaabayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.