Madaxweynaha Somaliland oo Xilkii Ka Qaaday Maareeyihii Wakaaladda Horumarinta Wadooyinka Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta digreeto madaxweyne xilkii kaga qaaday maareeyihii horumarinta wadooyinka Somaliland unaga magacaabay wakaalaadaasi maareeye cusub.

Xilka qaadisan oo lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda kuna saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Somaliland ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4734/052017, uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

 

Ku:    Mudane, Xasan Cali Cismaan,

Maareeyihii Hore ee Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka JSL   

Mudane,

Waxaan aad kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabid

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:                  Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:          Ahmiyadda ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinku (RDA) u leedahay dhismaha iyo horumarinta Qaranka;

 Markuu Arkay:                  In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:      Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu ku Qancay:         In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Ibraahim Siciid Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka (Road Development Authority) ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Ibraahin Siciid Cilmi, oo aan xilka Maareeyaha Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka ee Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay.

 ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.