Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga Ka Jaray Waddo Laga Hirgaliyey Degmadda Dilla

Dilla – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray waddo isku-xidhaysa magaalooyinka Dilla iyo Kalabaydh oo dhawaan ay hirgalisay wasaaradda hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland.

Madaxweynaha oo safarkiisan kooban ee uu ku tagay degmadda Dilla ay ku wehelinaayey Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mid ah golaha wasiiradda Somaliland oo ay ku jireen wasiiradda  Madaxtooyadda, Hawlaha Guud iyo Guryeynta,  Qorshaynta Qaranka, Duulista Hawadda  iyo masuuliyiin kale oo tiro badan.

madaxweynaha_somaliland

Waxaa kulankan ka hadlay gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wasiiradda Qorshaynta, hawlaha guud iyo guryeynta, Duulista hawadda waxaanay tilmaameen muhiimadda ay leedahay isku xidhka wadooyinka iyo kaabayaasha dalka.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay muhiimadda ay leedahay dhismaha kaabayaasha isgaadhsiinta dalka waxaanu sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koobaad siisay isku xidhka magaalooyinka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.