Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic Gudaha Laascaanood Kuwo Kalena Dhagax Dhigay

Laascaanood – (warsoor) – Weftigii Madaxweynuhu Hoggaaminaayey ee habeenimadii Jimcaha, Sabtiduna soo gelaysay, ku hoyday gudaha Magaalo Madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa markii waagu beryey, gudo galay ujeedadii safarka, socod lug ahna ku maray laamiyada magaalada, xadhig ka jarid, dhagax dhig iyo kormeer guudna ku sameeyey goobo badan oo muhiim ah, kana mid yihiin waddooyin halbowle ah oo madaxweynuhu uu hore u dhagax dhigay, haddana dhammaaday, xadhigana uu ka jaray  isla maanta, isagoo kuwo horlehna dhagax dhigay, kormeer meerayna cusbitaalka guud ee laascaanood.

DSC_0079

Guud ahaan madaxweynuhu mashaariicda uu ka hawlgalay ee isugu jiray dhammaadka iyo binayntaba, ayaa halkaa laga cadeeyey inay ku baxayso aduun dhan todobada milyan oo doollar, kuwaasoo ay ka mid yihiin saddex milyan oo doolar oo ku baxay Mac-hadka sare ee caafimaadka ee magaalada laascaanood oo uu hadda dhismihiisu uu socdo, kana koobnaan doona 17 dhsme oo imika la dhisayo, todobada dhisme oo hore u dhisnaa taniyo Ingiriiskii oo la cusboonaysiinayo, sidaana ay ku noqonayaan 24 dhisme oo qaybaha cisbitaalka guud ee magaalada laascaanood ah, waxanu sidaasi kaga kacayaa cusbitaalku inuu ahaa cusbitaal yar haatana uu isu bedelaayo cusbitaalada ugu waa weyn dalka.

DSC_0005

Mashruuca labaad ee aan ka dhicin kaa hore waa dhinaca waxbarashada, iyadoo dugsigii hoose dhexe ee qadiimiga ahaa ee magaalada laascaanood oo ay ka soo qalinjebiyeen masuuliyiin tiro badan oo dalkeena ahi, isna loo rogayo dugsi sare oo hoy ah (Boarding School), kaasoo haatan dhismihiisu soconayo looguna talogalay inuu dhammaado bisha February, 2017, waxana ka faa’iidaysan doona ubadka deegaamada aan dugsiga sare lahayn, markay soo dhamaystaan dugsiga dhexe. Mashruucan laftiisa waxa la cadeeyey inay ku baxayso saddex milyan oo Doollar.

Mashruuca Saddexaad ee dhinaca biyaha kaasoo magaalada lagu biyo gelinaayo, laguna xidhiidhinaayo ceelal magaalada ka baxsan iyo balliyo ama dhaamam laguna sii talaali doono qasabado gaadha gudaha magaalada laacaanood, waxa ku bixi doona adduun dhan 1milyan oo doollar.

gebegebadii kormeerka madaxweynuhu waxa uu ka qaybgalay munaasibad lagu qabtay gudaha cusbitaalka. Waxana halkaa warbixin ka jeediyey wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglotaasiye) kaasoo sheegay in madaxweynuhu lexjeclo iyo danayn uu u qabo gobolka Sool uu ku yimiday dhismaha iyo balaadhinta iyo dib u cusboonaysiinta guud ee cusbitalka iyo mac-hadka sare ee cilmiga caafimaadka ee ku dhexyaala cusbitalka guud.

waxa kale oo uu wasiirka caafimaadku uu tilmaamay in sida uu madaxweyne Axmed Silaanyo iyo Xukuumadiisu ay wax uga qabteen Gobolka Sool guud ahaan, iyo gaar ahaan magaalo madaxda gobolka ee laascaanood aanay xukuumad ka horaysay ka qaban, marka laga reebo maamulka Puntland oo maxkamad qabyo ah kaga cararay muddo sagaal sanadood ah oo uu camcaminayey gobolka sool, balse aanu maamulka Puntland aanu waxar kale keeniin, una sheeganayn.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa hadal dheer oo uu ku tilmaamayo sida uu gobolka Sool lafdhabar ugu yahay Somaliland, halkaa ka jeediyey, waxanu raaciyey in waxyaabaha la taaban karo ee baaxada leh ee mashaariic ah ee dawlada Axmed Silaanyo ay ka fulisay gobolkaasi.

Waxa kale oo uu sheegay in dadka gobolka Sool ay yihiin dad la walaalo ah, dhiig dhaqan iyo dhalashaba dadka gobolada kale ee Somaliland, dawladuna u soo jeesatay sidii dib u dhaca dhinaca horumarka loo soo gaadhsin lahaa gobolada kale ee dalka. Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyey sida ay lagama maarmaanka u tahay qurbajoog iyo qaran joogba sidii ay ula jaan qaadi lahaayeen, maskax, muruq iyo maalba ay ugu biirin lahaayeen horumarinta ay ka waddo xukuumadda Somaliland, gobolada bariga Somaliland, laguna dedaalo sidii nabad waarta looga dhex dhalin lahaa ardaayda walaalaha ah ee xurguftu ku dhex martay jiidahaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo gebegebadii halkaa hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay tahay waajib saaran xukuumada horumarinta gobolka sool, isla markaana aanay ka daalayn xukuumadu, waxqabadka ay ka fulinayso Sool. Madaxweynuhu isagoo arrintaa ka hadlaaya waxa uu yidhi “Waa waajib na saaran xukuumad ahaan mashaariicda aanu ka fulinayno laascaanood iyo gobolkeedaba sida ay noo saaran yihiin guud ahaanba wax ka qabashada dalka. Waanu is gaadhsiinaynaa dalka, kuwa dib u dhacsana waxa naga go’an in aanu mudnaanta siinno, muwaadiniinta oo dhana waxa aan u soo jeedinayaa, gaar ahaan kuwa halkani inay barbarkooda qabtaan horumarintaasi ay xukuumaddu ka waddo gobolka taasoo ah in wada jirku yahay ka aynu kaga midho dhalin karno himiladeena iyo hagaajinta dalkeena”.

Madaxweynuhu intii uu ku wareegayey Magaalada Laascaanood gudeheeda, waxay dadku ku soo dhawaanayeen iyagoo xiiso u qaba madaxweynahooda weftiga hareerihiisana ku soo dhawaanayey, iyagoo lulaayey calanka dalka iyo caleemo qoyan, kuna dhwaaqayey weedho ay ka mid ahaayeen “Soo dhawoow madaxweyne. waa geesigii aan godob lahayn iyo haynoo hayeen hoggaanka, halyeyga talada fiican iyo weedho kala duwan oo kale oo la mid ah kuwaasi, iyagoo dhextaal uga dhigayeen mushxarado iyo sacab tiro badan”

Ugu dambayntii Madaxweynuhu waxa uu kormeer iyo xadhig ka jarid ku tegay xarunta warsheda cadeeda lagaga dhaliyo dabka ee Gurmad Solar Company, shirkadaasi oo uu leeyahay ganacsade Maxamed Jabuutaawi, oo isna halkaa ka cadeeyey inay dadku heli doonaan koranto jaban oo aanu qiimeheedu ka badnayn nus-doolar, taasoo wax weyn ka bedeli doonta qiimo dhimis weyna u leh shacbiga ku dhaqan magaalada laascaanood.

Madaxweynuhu waxa uu u soo ambo baxay markii uu mashaariicahaasi ka fuliyey gudaha laascaanood dhinaca gobolka Togdheer oo uu caawa makhribkii ku soo hoyday guriga martida ee Burco, halkaasoo kumanaan dadweyne ahi isugu soo baxeen jidadka iyo koonayaasha magaalada, mastaafo fhan 20 Km iyagoo lulayey calanka qaranka Somaliland, Caleemo qoyan, iyagoo xidhiidhsanaa ilaa badhtamaha magaalada Burco.

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.