Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Noqon-doona Xarunta Maktabadda Qaranka Somaliland laguna magacaabo (Silaanyo National Libarary)

Hargeysa -(warsoor)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta ka qayb galay xafladda furitaanka rugta akhriska buugaagta ee qaran taasoo loogu magacdaray madaxweynaha (Silaanyo National Labrary), munaasibada furitaanka, maktabada qaranka ayaa waxa kasoo qayb galay masuuliyiin tirro badan, madaxda xisbiyada qaran, wasiiro iyo siyaasiga caanka ah ee Cali Khaliif Galaydh. 

Ugu horayn waxa munaasibadaasi ibo furay guddoomiyaha maktabadda qaranka ee Silaanyo National Labrary, mudane Axmed Daahir Cilmi oo ka waramay duruufihii kala duwanaa ee ay soo martay maktabada qaranku waxaanu guddomiyuhu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Silaanyo uga mahad celiyay doorkii muhiimka ahaa ee uu hawshan ka qaatay, waxa sina halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe isagoo sheegay in uu madaxweyne Axmed silaanyo uga mahadcelinayo juhdiga uu galiyey xaruntan isagoo ku taliyay in laga wada qayb gallo hor u marinta maktabadani, waxa sidoo kale halkaasi ka hadashay wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo sheegtay in marxalado badan oo kala duwan ay la soo mareen dhismaha iyo yagleedida maktabadan ugu laba jeerna miisaaniyada qaranka lagu daray, madaxweynuhuna uu ku dhiiraday bixinta dhulkan qaaliga ah, iyo kuwo kale oo muhiim ah oo laga dhisay xuduudaha Somaliland la leedahay wadamada jaarka oo ah muraayada dalka marka la soo gelayo, waxa isna halkaasi ka hadlay wasiirka waxbarashada cabdilaahi ibraahim habane oo sheegay in maktabadani ay waraabin doonto gobolada dalka qorshaha waxbarashadana ay qayb ka tahay. 

Madaxweynhaa Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo soo xidhay xafladda furitaanka maktabadda qaranka ayaa yidhi “ Mudanayaal iyo marwooyin, Milgo iyo maamuus weyn ayey ii tahay madaxweyne ahaan, in aan idin kala soo qayb-galo, xafladdan lagu daah-furayo xarunta keydka kutubta qaranka. 

Waa munaasibad taariikhi ah, oo horumar iyo yididiilo u leh guud ahaanba qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan da’yarta, iyo jiilka dambe ee jecel akhriska, qoraalka iyo daalacashada cilmiga.

Hiigsigii iyo himilooyinkii ay xukuumaddaydu lahayd, ayey ka mid ahayd in la suurto geliyo xarumaha keydka kutubta qaranka (National Library), heer qaran, heer gobol iyo heer degmo.

Al-xamdu-lilaahi rabbil caalamiin, Maantaba waxa si rasmi ah inoogu suurto gashay inaynu xadhiga ka jarno xaruntii ugu horraysay ee keydka kutubta qaranka, taasoo laga hirgeliyey caasimada dalka ee Hargeysa. 

Mudanayaal iyo marwooyin,

Hirgelinta xarumaha aqoonta ee noocan oo kale ahi waxay kaabayaan, korna u qaadayaan garaadka iyo hal-abuurnimada bulshadeena. Sidaa darteed, madaxweynaha cusub mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xukuumadda uu soo dhisi doono, waxaan ku boorinayaa inay halkaa ka sii wadaan dhsimaha iyo ballaadhinta xarumaha kaydka kutubta iyo aqoonta ee dalkeena. 

Ugu danbayn, waxaan mahad-naq iyo hambalyo u dirayaa cid kasta ii gacan ka geysatay hindisihii iyo hirgelinta xarunta keydka kutubta qaranka, gaar ahaan guddoomiyaha xarunta keydka kutubta iyo guddidii la-shaqaysay. 

GALLAD EEBBAA LEH, GUULNA SOMALILAND BAA LEH

ALLAHEEN TUBTA TOOSAN HA INAGU HANUUNIYO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.