Madaxweynaha Somaliland oo wareegto madaxweyne Xil ka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-330/062019, uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Maxamed Cilmi Aadan (Ilka Case)

       Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha

        Bulshada iyo Qoyska.

Og: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay ee Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka ee kor ku xusan.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:               Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey:        Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markaan Ka Fiirsaday:       Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan Ku Qancay:       In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Waxaan Go’aamiyey;

      1)      In Agaasimihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqo-galinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

      2)      In Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH 


Muuse Biixi Cabdi 
Madaxweynaha JSL.

— 

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.