HARGEYSA – (WARSOOR)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saaray wareegto madaxweyne oo lagu mamnuucayo ka qayb-galka siyaasada iyo doorashooyinka ka socda Soomaaliya.
Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Biixi ayaa lagu yidhi sidan:
“Qof kasta oo u dhashay Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, ha noqdo Masuul Dawladeed, Shicib, Urur, Axsaab, Aqoon-yahan, Madax-dhaqameed, Suugaan-yahan iyo dhammaanba qaybaha Bulshada oo ka qayb-gala siyaasadda Soomaaliya ee lagu mamnuucay Goโaanka Labada Gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland waxa lagu qaadi doonaa Dambi Khiyaamo Qaran, si waafaqsan Qodobka 1aad iyo 2aad ee Goโaanka Labada Gole.”