Madaxweynaha Somaliland oo Tacsiyeeyey Qoys Caruuri Kaga dhinteen dab

HARGEYSA – (Warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu tacsi u dirayaa, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtii xalay galinkii dambe (24.09.2017) dabkii ka qarxay Xaafadda Ibrahim Koodbuur ee Hargeysa ku naf waayey kuwaasi oo ahaa afar caruur ahi, halka ay Hooyadii dhashayna dabkaa ku dhaawacan tahay. Caruurtaasi oo lagu mgacaabi jiray:

  1. Suhur Maxamed Ismaaciil 13 jir
  2. Marwo Maxamed Ismaaciil 8 jir
  3. Anas Maxamed Ismaaciil 5 jir
  4. Nimco Cabdi Ismaaciil 2jir

Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Hooyo Khadra Aadan Xuseen iyo Aabbo Maxamed Ismaaciil Xuseen, waxaanu madaxweynuhu u ducaynayaa hooyo khadra oo dhaawac ka soo gaadhay dabkaasi xalay in uu  Alle caafimaad sareecana siiyo. Madaxweynuhu waxa uu qoysaskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen caruurtaasina Alle uga baryaya inuu samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo, Labada waalidna uu cawil celin khayr qabtana ugu bedelo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.