Madaxweynaha Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Dagaalka Tuka-raq, Farrimo Adagna U Diray Maamulka Muqdisho iyo Beesha Caalamka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir karaa’id ku qabtay Madaxtooyada Somaliland ayaa ka hadlay dagaalka Tuka-raq ku dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Ciidanka Maamulka Muqdisho ka amar qaate, waxaanu madaxweynuhu si qoto dheer u sharxay halka ay Somaliland ka taagan tahay Dagaalka iyo in aanay diyaar u ahayn in dhiig Soomaaliyeed daato, marnaba diyaarna ay u yihiin in ay wada dal  ku dhamaystaan 75km ee uga hadhay xadkeeda Somaliland.

Madaxweynaha oo ugu horayn ka hadlay xaaladda tuka-rag ayaa yidhi “Dagaalka ay Soomaaliya ku soo qaaday Somaliland, waxa aanu u aragnaa dagaal ay wadaan dawlada muqdisho ka dhisani waxad idaacadaha dadka weriyeyaasha ah iyo saxaafaddu ay inta badan isticmaasho aan maqlay iyagoo leh Puntland iyo Somaliland, Puntland iyo Somaliland isma hayaan waa laba deris ah, waa dad isku mida, wax alle wax colaada oo taariikhiyan uga dhaxaysay oo jiraana ma jiraan, wax ay isu qabsadaana ma jirto, waxa weeyi siyaasad ka timid muqdisho dawladeedu ay soo goysay ama ay doonayso inay ku hirgeliso inay tahay dawladda ka talisa Somaliland, in aanay jirin wax la yidhaahdo qaran Somaliland ahi uu yahay gobol ay xamar ka taliso oo farmaajo iyo khayre ay caalamka ku tusayaan inay tahay gobolada ay ka taliyaan mid ka mida, markaa Somaliland 27 sannadood adkaysatay qarannimadeeda iyo hay’adeheeda iyadoo aan wax qoraala u gudbin dawladda xamar ka dhisan dawladdan imika dhisan waxay la noqotay inay ciidan ku cabudhiso Somaliland, waa nasiib daro maanta in intaas oo dhalin karo ahi ay ku dhintaan dagaal ay wadaan siyaasiyiin ama kursi ay fadhiyaan cimri dhererkiisa ha ku doonayso ama awood iyo kalsooni ay ummad u haynin oo mar hore ka goosatay ay kula hammoonayaan inay xoog ku soo gacan geliyaan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi madaxweynuhu “Somaliland nabad ayey ku aas aasan tahay dhexdeedana nabad ayey ku dhamaysatay wax kastoo khilaafoo yimaada, dhan walba khilaaf waa yimaadaa la diidi maayo khilaafka, Somaliland khilaafyo way leedahay, binu-aadamka noloshiisay ka mid tahay qoyska, innanka, hooyada, aabaha iyo inanta is dhalay ayaan khilaaf ka yimaadaa dadka wada shaqeeyu ka yimaadaa, shirkaduhuu ka yimaadaa, khilaafku nolosha binu-aadamkuu ka yimaadaa, qabaa’ilkuu ka yimaadaa, deegaamadu ka yimaadaa wuu innala nool yahay, binu aadamkana waxa uu ilaahay xil u saaraa inuu khilaafaadka xaliyo iyo dhibaatooyinka kale ee ka hor yimaada markaa Somaliland dhibaatooyin badan ayaa ka hor yimaada, gudeheeda, dibedeeda, dabeecad ahaan iyadaa xalisata, waayo Somalilanderku waxa uu aaminsan yahay inuu nabad wax ku noqon karo, Somalilanderka ka yar iyo ka weyni waxa uu ka daalay colaaadaha, wuxuu ogyahay waxay colaadi dhib leedahay, mushtamaca ugu badan somaliland oo cimrigoodu afartan jir yahay, waxay ku garaadsadeen oo ay wada garanayaan dhibaatada ay colaadu leedahay, markaa qof walba isagaa ka hortaga colaada, markaa dhibaatadeeda guryahay ku xalistaa, caalamkana waxay u fidinaysaa nabad, deriska nabad bay u fidinaysaa, si kale haddaan idinku sheego juhdiga ay somaliland ku bixiso nabada adduunka oo dhan, dhaqaaleheeda oo aad ogtihiin inuu kuwa ugu yar yar adduunka inuu xaga hoose kaga jiro, intay iskuul, caafimaad iyo biyo  ka

goyso waxay ku bixisaa nabadgelyada caalamka odhan iyadoo ku ilaalisa xuduudeheeda oodhan, xuduuda baddeedu waa 800Km dhaqaaleheedana waynu ognahay, haddana somaliland waxay waxeeda u hurtay oo ardaygu iskuulkiisi uu ka heli lahaa u la’a yahay, oo caafimaadku dawadiisi u la’a yahay waxa weeyi 800km ayey nabadgelyada ku ilaalisaa, xuduudaha wadamada ay jaarka yihiin oodhan ayey ku ilaalisaa, ka itoobiyaa ugu dheer waxaan nabad ahayni ugama gudbo, ka jabuutibaa jira waxaan nabad ahayn loogama gudbo, kaa dawladaa federaalka Soomaaliya ee maamul goboleedka Puntland ugu sokeeyo oo aynu xad dheer la leenahay Soomaaliya ayaa inoogu horaysa wax colaada oo ka dhaca, maantana waxa la keenay waa colaad laga soo raray muqdisho”

Madaxweynuhu isaga oo ku guda jira shirkiisa jaraa’id waxa uu ka hadlay ciidanka Somaliland ee ku sugan Tuka-raq waxaanu yidhi “sidaa darteed ciidankeenu wuxuu tegay tuka-raq bishii January 8- keedi, dad badan ayaa yidhaahda muxuu ciidanka Somaliland Tuka-raq u tegay, ciidanka Somaliland Tuka-raq waxa uu tegay 2013 kii, wuxuu tegay 2015 kii, waxa mar degay ciidanka Khaatumo ee maanta Somaliland la safan ee ka hortegay Puntland ayaa degay, wuxuu uga soo noqdaa meelaha uu dego ciidanku xiliyada abaaraha, jilaalada iyo guyaalada, roobabka wuu aag bedeshaa, marka jilaalkii wuxuu degaa meel biyo leh ilayn magaalo ma joogo oo riigag ma haystee, marka ay gugii iyo roobabku ay dhacayaan dabayluhuna wuxuu ka bacaa meelaha dooxyada iyo webiyada oo waxa uu tahaa meel ka baxsan webiyada iyo meelaha kaneecada oo taagag ayaa loo raraa, ciidanku kolba meeshii dalkiisa ku haboon ayaa loo raraa, markaa wuxuu u tegay iyadoo kaliishii kululayd ahayd, jilaal dheer la filaayey meel biyo leh ayuu doonanaayey,

danbi muu gelin hadii ciidankayagu meel ka mida dalkiisa uu degay waanu degayaa waxa uu gudanayaa waajib dastuuriya dawladdu ciidanka kolba halkii u dan ah ayey u raraysaa, waxa aanu gudanaynaa waajib dastuuriya in dalka xuduudihiisa la sugo inuu somaliland wada yahay, inuu somaliland daafaco”.

Mar uu ka hadlaayey duulaanka ciidanka Maamulka Muqdisho waxa uu madaxweynuhu yidhi “” shan iyo todobaatan (75km) ayey ka soo duulaan ciidankaasi halkaasu ku soo weeraraa ciidanka, markii laga wada hadlay ee dhawr jeer la yidhi ciidamaa ka soo baxaya garoowe oo waxay diidan yihiin inaad tuka-raq timaadaan oo soolba soo gashaan, halkaa tuka-raq ayaanu joogsanay oo waxa aanu ku nidhi Somalilandna waanu joognaa xadka yagiina 75km baa ka hadhay jid bixiye ayaanu nahay maxaad qoonsateen, muqdisho, madaxweyne farmaajo ra’isal wasaarow maxaad qoonsatay, jawaabta soo baxday waxay ahayd, waxad ku jirtaan dhul aydaan lahayn  oo xadadkii isticmaarkii miyaa la bedelay, haddii xadadka isticmaarka la bedelo afrikaba dee way isku dhex yaacaysaa caalamku kiibuu ku dhisan yahay, state ka xamar ee aynu imika maqalno ee la yidhaahdo Jubboland iyo koonfurta baydhabo iyo hiiraan iyo jawhar iyo galmudug iyo Puntland waxay ku salaysan yihiin xuduudkii lixdankii markii uu ka tegay talyaanigu ay u kala qaybsanaayeen waa goboladii majeerteeniya, hiraan alta-jubba, dharta jubba, ayuunbaa loo rogay state-yo taasa khal-khallaysa hadii laga tago, markaa annagu maanan samayn xuduud talyaaniga iyo ingiriiskii u dhexeeysa waa wax caalamiya, cunfi kuma tegayno xitaa waxa aanu tegaynaa tiiyo Somaliland u dhan tahay oo reer Sool kow ka yihiin oo sanaag bari kow ka tahay oo inay Somaliland wax dhisato ay dan mooday oo ay isugu

timid”.

 Dhinaca kale mar uu ka hadlaayey siyaasiyiintii ugu waa weynaa ee gobolka Sool waxa uu yidhi madaxweynuhu “siyaasiyiintii ugu waa weynaa reer Sool ee jabhadaha Sameeyey ee ciidamada abuuray Somaliland ka soo horjeeday waanagii nabad ku heshiinay SSC waad ogtihiino Xagla-toosiye ayaa ka gudoomiye ahaa, khaatumaa laba ahayd oo intay tuka-raqdaa degtay aynu ciidan ahaan isaga hornimid 2015kii, waakan Cali Khaliif maanta markaynu heshiinay Somaliland oo dhan iyo deegaanadaa Sool iyo sanaag bari ayey waxay noqotay inaynu xadkeeni nabadgelyo ku gaadhno, maxaynu u gaadhaynaa xadkeena si dadkeenu nabadgelyo u helo si mashaariic loo doono caalamkuna dhul nabad ah ayuunbaa wax laga qaban karaaye, si dadku u dego si riigag loogu qodo si iskuulo loogu dhiso, si caafimaad loo sameeyo waa in nabada xadkeeda la soo xidhaa, waxyaalaha dhacaaya waxa ka mid ah bishan dhexdeedii weerar laga soo diray Puntland oo afar gaadhi oo tikniko ah oo ka yimid garoowe ayaa waxay rasaas ka rideen Hadaaftimo oo ah xarunta saldanada suldaan siciid oo aan wixii soomaaliya dhib iyo buuq ay ku jirtay aan xabadi ka dhicin oo la leeyahay somaliland ayaad taageeraysaa ninkii oday ah ee siyaasi ah, kii madax dhaqameeda kii wax garada ee yidhaahda Somaliland ayaan ahay ama waa loo hanjabayaa ama waxa la odhanayaa danbi baad gashee maxkamad ayaa lagu geynayaa, xanba maaha  hoosba la isugu sheegi maayee idaacadaha ayaa laysula soo fadhiistay oo aan habeen hore ka dhegeystay garoowe, Hebel iyo hebelow ninka xagaa maraa waa dil, ka dalka ka horyimaadaa waa dil hadda waa dadkii deegaanka sidaa wax laguma qabsado, waxan u sheegaynaa taliska muqdisho halkaa ma joogtaan idinkiiba shisheeya idin ilaaliyaa markaa ninka sool jooga iyo ninka jooga ceerigaabo ugu hanjabi maysaan hadaad isoo raaci waydo waan ku xidhayaa, ama waan ku xukumayaa iyo xabsi baad gelaysaa, annagu waxa aanu leenahay ka naga soo horjeeda wada hadal iyo walaalow maxay kula tahay ayaanu ku dhamaynaynaa oo aanu kula heshiinaynaa ka naga gardaran ee labada goor iyo saddeexda goor na soo weeraray ee 75km soo duulay ayaanu leenahay war walaalow ragga ha naga laynin war walaalow colaada jooji maxaad tabanaysaa miyir qab aynu kuwada hadalno”

Ugu danbayn waxa uu madaxweynuhu shirkiisa jaraa’id ku soo xidhay oo uu yidhi  “waxa aan calamka u sheegayaa Somalilandna u sheegayaa, haddaanu Somaliland nahay marka horeba duulimaad ma nihin kuma duulayno cidna garoowe weligayo ku tegi mayno colaad nabadgelyo iyo barwaaqo mooyaane taladeeda ma lehin soomaaliyey ka tirsan tahay waa federaalka State ka Soomaaliya ixtiraam ayaanu u haynaa horumarkeedaanu jecel nahay, dadkeeda waxa naga dhexeeya walaaltinimo iyo wanaag kuma soo duulayno, dadka leh garoowa lagu soo socdaa kuma socono garoowe, ma tegayno qofna wax yeeli mayno Soomaali ah ama reer mudug ah ama reer Baydhabo ah midna colaad uma hayno, waxa la isku hayaa oo ay Somaliland hore uga tagtay waa siyaasi tiisi gabay oo dadkiisi dhibay oo annagana doonaya inuu na soo gaadho kaana ma aqbalayno la noogu iman maayo Somaliland, Xaalada maanta joogta ciidanku halkuu sideedii January degay ayuu taagan yahay ma dhaafayno cid walba waanu u sheegaynaa inta noo dhiman wada hadal ayaanu ku gelaynaa waar maxaad diidan tihiin ayaanu leenahay ku qasbi mayno qofka naga soo horjeeda inuu xabad ku qaato rayigayaga ciidankayaguna halkaasu joogayaa weerarna geli maayo xabadna u ridi maayo xagaa haddii lana soo weeraro waanu is daafacaynaa waa ku celinaynaa, nin siyaasiya oo reer Soomaaliya ahi wuxuu yidhi dagaal dheerbaa la gelayaa ku dheer iyo ku dhaw toona diyaar uma nihin laakin hadaad ka maarmi waydo annagu difaac uunbaanu kugu jiri intaad dheeraynayso eed dadka laynayso adaa yaqaan Annagu ku gaaban iyo ku dheer toona dooni mayno oo waa ka soo daalnay dagaal mana qabo in qof soomaali ahi dagaal xiiso u qabo oo miyir qabaa, go’aan kayguna arrintaa waxa uu ka yahay ciidankaygu halkaasu joogayaa nabad buu ku doonayaa cid weerari maayo xabadna ridi mayno Somaliland iyo Soomaaliyana waxa ka dhexeeya wada hadal ayaa lagu dhamayn karaa kaana diyaar ayaanu u nahay wixii gardaro nagaadhayba”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.